Donald Trump oo lagu helay inuu tacaddi JINSI ah kula kacay gabar weriye ahayd & Xukun lagu ridey

0

(New York) 10 Maajo 2023 – Xeerbeegtida Manhattan ayaa Madaxwaynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump, ku helay tacaddi jinsi ah oo uu kula kacay E. Jean Carroll oo ah qoraa joornaal Talaadadii.

Xeerbeegtida ayaa sidoo kale ku helay in Trump uu mas’uul ka yahay aflagaaddo iyo sumcad dil tan iyo markii uu kiiskii isaga ka dhanka ahaa ku sheegay “been abuur” iyo “shaqo isaga lagu baadayo.”

Kaddib markii ay ka doodayeen saddex saacadood, xeerbeegtida qaadaysa dacwaddan madaniga ah ayaa Trump ku eedeeyey inuu ku kacay sumcad dil ka dhan ah Carroll, laakiin ma samayn kufsi. Madaxwaynihii hore ayaa lagu xukumay in uu siiyo qoraaga lacag dhan 5 milyan oo doolar oo magdhow ah.

Carroll waxa ay Trump ku eedeeysay in uu ku kufsaday qolka lebiska ee dukaanka Fifth Avenue sannadihii 1990-meeyadii, laakiin waxa ay ku guuldarraysatay inay caddeeyso in uu dhab ahaantii galmo kula kacay, oo uu sidaas ku sameeyey ogolaansho la’aan, sida uu sheegay Garsooraha Sare ee Maxkamadda Degmadda Maraykanka Lewis A. Kaplan, oo kiiska maamulayey, oo sheegay inaan “la caddayn karin inay galmo dhacday.”

Trump ayaa si joogto ah u dafirayey inuu laba kulmay Carroll wuxuuna ku adkaystay in dhammaan maxkamadayntani ay tahay mid siyaasadaysan oo baallaha looga rifayo.

Hadalsame Media