(Hadalsame) 10 Maajo 2023 – Maydadka laga soo saaray xabaalo wadareedyo lala xiriiriyey koox diimeedyo Kenyan ah ayaa laga la’yahay xubno jirkooda ka tirsan, baaritaanno la sameeyey ayaana daaha looga qaaday, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha dalkaasi Talaadadii, iyadoo soo xiganaysa warqadaha maxkamadda.
Taliyaha booliiska Martin Munene ayaa sheegay in looga shakisan yahay in hoggaamiyaha kooxdan ee Paul Nthenge Mackenzie hadda la baarayo isagoo ku lug lahaan kara ka ganacsiga xubnaha jirka dadka kaddib markii baaris lagu ogaaday in xubno ay ka maqan yihiin maydadka “qaar ka mid ah dhibanayaasha uu ninkani salfaday.
Mackenzie, oo ah aasaasihii Kaniisadda Caalamiga ah ee Good News ee bariga Kenya, ayaa la xiray 14-kii Abriil waxaana lagu eedeeyey “argagixisannimo” kaddib markii lagu eedeeyay in uu amar ku siiyay xertiisa inay muddo dheer cuntada ka soomaan kaddibna gaajo u dhintaan si ay “la kulmaan Nabi Ciise CS.”
Ciidamada ayaa kasoo saaray 112 mayd ah qabuuro gacmeed tan iyo bishii hore waxaana haatan loo bixiyey “Xasuuqii Kaymaha Shakahola.” Inkasta oo gaajo u muuqato inay tahay sababta koowaad ee dhimashada, sida laga soo xigtey warbixinnada baaritaanka maydadka.
Madaxa cilmi-baarista ee dowladda, Dr. Johansen Oduor, wuxuu sheegay in qaar ka mid ah dhibbanayaasha, oo ay ku jiraan carruur, la ceejiyey, la garaacay, ama la neef-qabateeyey.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka, Kithure Kindiki, ayaa sheegay Talaadadii in “25 qof ilaa hadda la xiray, kooxda baaritaanka ayaa u gudbaysa heerka labaad iyo heerka seddexaad ee lagu soo qabanayo dambiilayaasha Mr. Mackenzie ka caawiyey in uu fuliyo falkaas foosha xun.”
Booliiska ayaa wuxuu sheegay in ka “ganacsiga xubnaha jirka bini’aadamku uu ahaa mid si wanaagsan loo agaasimay, oo ay ku lug lahaayeen dad badan.”
Hadalsame Media