(Riyaad) 09 Maajo 2023 – Lionel Messi ayaa qarka u saaran amaba la sheegayaa inuu ogolaaday inuu u dhaqaaqo kooxda Sucuudiga ka dhisan ee Al-Hilal, iyada oo ay wararka qaar tibaaxayaan in ‘heshiiska la dhameeyey’.
Majaladda Faransiiska ee L’Equipe ayaa sheegtay in dalabka miiska saaran ee Messi uu yahay heshiis laba sano ah oo ay ku jirto ikhtiyaarka sanad-ciyaareed saddexaad.
Weeraryahanka ayaa xilli ciyaareed adag kusoo qaatay kooxda Paris-Saint Germain ilaa haatan waxaana uu kaliya u dhaliyey 20 gool kooxda reer France tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, taasoo ka yar heerkiisa.
Laacibkan ku guulaystay Koobka Adduunka ayaa la sheegay inuu kooxda Sucuudiga u saxiixay heshiis qaali ah oo dhan £522 milyan ginni, kaasoo aad uga badan qandaraaskiisa haatan. Messi ayaa iminka PSG ka qaata lacag dhan £103.4m xilli ciyaareedkii.
Sida la ogyahay, Cristiano Ronaldo ayaa isna heshiis u saxiixay kooxda Al-Nassr kaasoo uu ku qaadanayo £175 milyan ginni sanadkii kaddib markii uu ka tagay Manchester United bishii Nofeembar. Weeraryahankan ayaa saxiixay heshiis labo sano ah.
Yeelkeede, heshiiska rikoodh jebiska ah ee Messi ayaa weeraryahankan ka dul bootinaya laacibiinta dunida ugu mushaarka qaalisan ee Lebron James iyo Steph Curry si uu u noqdo cayaartooyga ugu mushaarka badan adduunka.
Maadaama uu Messi qaadanayo isugayn ahaan £522 milyan ginni xilli ciyaareedkii, waxa uu heli doona £261 milyan ginni sanadkii, taasoo ka dhigan inuu £86 milyan oo ginni ka badan yahay weeraryahanka reer Portugal.
Sida uu qabo Daily Mail, tani waxay ka masayrsiin kartaa CR7 oo tan iyo markii uu dhaqaaqay Sucuudiga dhaliyey 12 gool 13 kulan oo horyaalka ah ilaa haatan, islamarkaana aad u jecel inuu meel kasta kula xafiiltamo Messi, xitaa dhanka mushaharka.
Hadalsame Media