(Muqdisho) 09 Maajo 2023 – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa beenisay warar sheegaya in askari tababar loo qaaday uu ku dhintay Uganda sababo la xiriira in lagala baxay xubnaha jirkiisa.
Qoyska askariga ayaa arrintan ka shakiyey oo dareensan inay wax khaldan yihiin markii ay arkeen maydka askariga dhintay oo meelo ka qalan.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, C/qaadir Maxamed Nuur, ayaa hadda shaaca ka qaaday in maydka askariga lagu sameeyey baaritaan lagu ogaanayo sababta uu u dhintay.
Waxa uu sheegay in askarigu uu ku xanuunsaday mudadii uu tababarka ku jirey, waxaana la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Kampala, halkaasi oo uu markii dambe ku geeriyoodey.
Sawirka maydka ayaa lagu faafiyey baraha bulshada, taasoo keentay caro iyo dhaleecayn. Qoyska iyo saaxiibo welwelsan ayaa bilaabay inay la xiriiraan dadka uga jira tababarka ee jooga Uganda.
Wasiir Nuur ayaa sheegay inuu si rasmi ah ula xiriiray dhiggiisa, waxaana dowladdu ay codsatay in baaritaan lagu sameeyo geerida askariga kahor inta aan maydkiisa dib loogu celin Soomaaliya si loogu aaso.
“Waa in baaritaan lagu sameeyaa maydka marxuumka si loo xaqiijiyo sababta keentay dhimashadiisa, warbixin ay ku qoran tahay xogtan ayaa lasoo bandhigi doonaa marka maydka dib loogu soo celiyo Soomaaliya, waxaan aaminsan ahay in qalliinka si khaldan loo fasiray, qoyskana si khaldan wax loogu sheegay.” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiggu.
Wasiir Nuur ayaa shacabka u xaqiijiyay in Dowladda Soomaaliya aysan u dulqaadan doonin shilalkan oo kale, maadaama horay ciidan loogu qaadi jirey Uganda.
Si kastaba, warka wasiirku ma kala cadda marka ay timaado in baarista hadda la sameeyey iyo in hadda kaddib la samayn doono.
Hadalsame Media