(Muqdisho) 09 Maajo 2023 – Garsoore Cumar Cartan ayaa noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee abid kasoo muuqda afar-dhammaadka Champions League ee qaaradda Africa (CAF CL).
Garsoore Cumar Cartan ayaa maantaba u ambabaxay dalka Tunisia si uu u qabto kulan ka tirsan Semi-finalka Champions League Afrika oo u dhexeeya kooxaha E.S.T. (Tunisia) & Al Ahly SC (Egypt).
Abid horay uma dhicin garsoore uga horreeyey oo Soomaali ah oo kasoo muuqday afar-dhammaadka CAF Champions League ee qaaradda Afrika.
Xulka Junyarka Somalia ayaa bishan sidoo kale markii ugu horreeysey ka qaybgalay tartan heer qaaradeed ah.

Hadalsame Media