(Riyaad) 09 Maajo 2023 – Laacibka Cristiano Ronaldo ayaa iska tuuray xubin ka tirsan shaqaalaha kaddib markii ay isku dayeen inay sawir Selfie ah la galaan dhamaadkii kulankii Al-Nassr ay barbaraha 1-1 la galeen Al-Khaleej.
Ciyaarta kaddib Ronaldo ayaa waxaa hafiyey codsiyo uga imaanayey ciyaartooyda Al-Khaleej iyo shaqaalaha kooxda Al-Khaleej lafteeda kaasoo ku aadanaa funaanadiisa, xiddigga reer Portugal ayaana ugu dambayntii funaanaddii siiyey hal ciyaaryahan.
Si kastaba ha ahaatee, si naxariis leh ugama fal-celinin markii xubin ka mid ah howlwadeenka Al-Khaleej uu damcay in uu sawir Selfie ah la galo, taasoo keentay inuu iska riixo Ronie oo caraysan.
Waxay CR7 u ahayd maalin niyad jab leh, iyadoo ay malaha ka caraysiisey natiijadan oo sii fogaysey rajadii Al-Nassr ee ku guulaysiga horyaalka Saudi Pro League.
Hadalsame Media