
(Madrid) 09 Maajo 2023 – Manchester City ayaa diyaar u ah kulanka lugta hore ee semi-finalka Champions League ee ay caawa ku arkayaan Real Madrid.
Taasi waa aragtida raacaha khadka dhexe ee Rodri, oo la hadlay warbaahinta ciyaarta kahor.
Marka la eego in City ay muujinayso bandhig ciyaareed cajiib ah oo aan laga badinin 20 kulan oo xiriir ah horyaalka Premier League, Rodri ayaa aaminsan inay cabsi la’aan ku wajihi karaan kooxda haysata horyaalka Spain.
“Wax badan ayaan ixtiraamaynaa Real Madrid – waa boqorka tartanka CL – laakiin hub ayaan haysanaa wayna ogyihiin taas,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.
“Waxaan adeegsadaa falsafad ay sidoo kale leeyihiin asxaabtayda kooxda, waana inaad wax ka baran karto waxa kusoo mara,” ayuu yiri Rodri.
“Waxaan la ciyaarnay labo kulan oo aad u wanaagsan sanadkii hore laakiin ma aanan soo gudbin.” ayuu raaciyey.
Wuxuu xusay in haatan ay ciyaartu ku beegantay xilli ay badiyeen 10 kulan oo xiriir ah EPL oo ay goolasha baashaal u dhaliyaan markii ay doonaan ayna 100% aaminsan yihiin inay Real u diyaar yihiin oo ay kasoo baxayaan.
Hadalsame Media