MW Puntland oo helay fursad dahabi ah oo xilligeedii soo martay & Sida uu uga faa’iidaysanayo (Arrin caawinaysa?)

0

(Hadalsame) 09 Maajo 2023 – Puntland dadkeedu waxay leeyihiin dhaqanka siyaasadeed iyo bulsho ee dalalka Carabta, markasta oo dhaliisha hoggaamiyaheeda ay bannaanka ka timaaddo (saxba ha ahaatee) waxaa abuurma midnimo bulsho iyo aragtida (iska difaca cadowga dibadda).

Tani waa kaarka uu xaqdo markasta hoggaamiyaha xilka jooga.

Ilaa bilowga todobaadkan, dhacdooyinkii dhacay cidda ay aadka u anfacday waa Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo helay fursad aanu filanayn, kaddib markii ay hareeraha ka soo istaageen, garabna u noqdeen dad badan oo reer Puntland ah oo saluugsan sida uu wax u wado.

Fursaddan wax weyn ayey u goysaa Deni, marxaladdan oo Puntland ay doorasho galayso, balse waxa ay ku xiran tahay sida uu uga faa’iideysto, Warbaahin iyo bulsho ahaan labadaba.

Waxaa laga rabaa in uu doodda Puntland uu ka dhigo mid si fudud ay u fahmi karaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed, caddeymo muuqdana la keeno.

W; Q: Maxamuud Bashiir Jaamac

Hadalsame Media