(Madrid) 09 Maajo 2023 – Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa sheegay in joojinta Vini Jr ay fure u noqon doonto garaacista Real Madrid.
Waxaa caawa la ciyaari doonaa lugta hore ee semi-finalka Champions League oo dhexsan doonta Real vs Man C.
“Waxaan doonaynaa inaan tixgelin gaar ah siino isaga (Vini Jr),” ayuu yiri Guardiola.
Waxa uu intaa ku daray: “Waa isku mid waana sida aan kaga hortagno Salah, Mane, koox kasta…ma nihin kuwa iska socda, uma malaynayno inaan adag nahay oo aysan, wax macno ah nala lahayn waxa Madrid samayso.
Sido kale waxaa jira Benzema, Rodrygo…waxa aan ka helay waa awooda ay u leeyihiin inay wada ciyaaraan, ma gubaan kubadda. Way se dagtahay in laga qaado kubadda”.
Marka la eego heerka shakhsi ahaan, Guardiola ayaa ka hadlay, “Vinicius waa ciyaaryahan ku quusin kara mar kasta, khibrad badan ayuu u leeyahay sababtoo ah ciyaartoiydiisa waxay soo mareen xaalado tan la mid ah, waase war wanaagsan inaan lafteennu halkaa usii dhow nahay.”
Hadalsame Media