(Milano) 09 Maajo 2023 – Macallinka AC Milan ee Stefano Pioli ayaa ka hadlayay shirkii jaraa’id kahor kulanka Derby della Madonnina ayaa ka hadlay xaalada Rafael Leao wuxuuna u dhignaa sidan:
“Sidee yahay Leao? Wuu dadaalayaa, berrito wuxuu isku dayi doonaa inuu safto waan se arki doonnaa. Haddii uu fiican yahay, wuu ciyaari doonaa”.
Malagu khamaari karaa Leao? “Waxaan caawa u seexan doonaa si nabdoon, Rafa iyo dhakhtarka ayaana berri ii sheegi doona xaaladda ciyaaryahanka.
“Haddii Leao uu fiican yahay waa loo yeeri doonaa, haddii uusan caafimaad qabinna looma yeeri doono”. Ayuu yiri taasoo ka dhignaan karta inuusan xitaa kaydka soo fariisan Arbacada.
YAA BEDELI KARA? Macquul ahaan, dhaxalka dabiiciga ah ee dadabka bidix ee weerarku wuxuu noqon lahaa Ante Rebic, laakiin qaab-ciyaareedkiisu bilihii dhowaa aad buu u liitey doorar kala duwan oo uu saftay.
Beddelka xiisaha badan ayaa markaa noqon kara midka lagu arkay Lazio, iyadoo Alexis Saelemaekers uu bidix ka dheeley, maadaama uu aad uga waxtar badan yahay Leao dhanka degista iyo raacista difaaca marka loo eego Leao, sidaas darteedna waxay taasi u ogolaanaya Theo Hernandez inuu marar badan weerartamo.
Hadalsame Media