Dadwayne Polish ah oo markale bahdil kula kacay Danjiraha Ruushka ee dalkaasi (Jawaab yaab leh oo ay ka heleen booliiska)

0

(Warsaw) 09 Maajo 2023 – Dadwayne caraysan ayaa ka hor istaagey Safiirka Ruushka u fadhiya Poland, Sergey Andreev, inuu ubax dhigo qubuuraha ciidamada ee magaalada Warsaw si loo maamuuso Maalinta Guusha.

Dadkan ayaa isku gadaamay wefdiga Ruushka markii ay soo gaareen goobta goor dhowayd.

Waxay dadwaynuhu ka dalbadeen Andreev iyo wefdigii kale inay tuuraan ribboonada u xiran ee Saint George, kuwaas oo calaamad u ah dabbaaldegga guusha Dagaalkii Labaad ee Adduunka ee Ruushka.

Safiirka ayaa deeto diidey in uu iska bixiyo riboonka jaakadda u suran, waxaana uu ku khasbanaaday in uu iskaga tago qabuuraha isaga oo aan wax ubax ah dhigin.

Andreev ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee Tass in Safaarada Ruushku ay dhacdadan kala xiriirtey booliska, waxaana saraakiishu ay ku jawaabeen in dibadbaxayaasha ”aysan jebin wax sharci ah.”

Ubax-dhigistani waa xaflad dhaqameed la sameeyo 9-ka Maajo oo maanta ku beegan, taasoo ah maalinta uu Ruushku u dabaaldego guushii ay ka gaareen Nazi-gii Germany ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Sannadkii hore arrintu waaba ka darnayd, Andreev waxaa lagu shubay rinji cas isagoo isku dayayey inuu ixtiraamo askartii Soofiyeetiga ee naftooda ku waayey xoraynta Poland lafteeda. Markan, diblomaasiga waxba gaarin.

Arrintan ayaa imanaysa xilli ay kacsan tahay xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhex aloosan labadan dal.

Hadalsame Media