(Hadalsame) 09 Maajo 2023 – Ciidamada Ukraine ayaa Ruushka kula jira dagaal ay iska caabbintiisu daran tahay oo aanu filaynin sanad ka badan kaddib markii uu kusoo duuley si uu u rido nidaamka Galbeed doonka ah ee Kiev.
Haatan oo uu dagaal ba’an oo dhufays ka dhufays ihi ka soconayo magaalada Bakhmut ee bariga Ukraine iyo magaalooyin aaggaasi ah, waxay Ciidamada Ruushku la kulmeen caqabad aad u cawartay awooddii Guutooyinkooda Madaafiicda Goobta.
Ciidamada Ukraine ayaa cardaadiqaha ka dhigay tawaangida Ruushka oo ah dalka dunida ugu taangiyo badan, iyagoo adeegsanaya gantaal ridayaal fudud oo garabka laga rido oo kala ah Javelin oo uu Maraykanku siiyey iyo Nlaw oo ay farsamayso shirkadda Saab ee dalka Sweden, balse uu siiyey dalka UK.
Ciidamada Ruushka oo aan sida muuqata lahayn isgaarsiin qaab leh marka la eego sida joogtada ah ee ay ugu dhacaan dabinnada miinooyinka iyo gantaalahan garabka laga gano ee sida sahlan loogu gaado ayaa xitaa keenay UR 77 oo gana gantaalo gaar ah oo samaynaya moowjado la mid ah kuwa dhul-gariirka si uu u qarxiyo miinooyin ku jira aag wayn.
Yeelkeede, Ukraine ayaa isagii laftiisa ku burburisey Javelin iyo Nlaw, qaarkood intaysanba xitaa howlgelin.
Halkan hoose ka daawo muuqaalkii ugu dambeeyey.


Hadalsame Media