”Waa 11-jir diyaarinaysa mastar injineeriyad ah” – Gabar qabta AUTISM oo misna leh IQ ka badan Einstein & Stephen Hawking

0

(Mexico City) 08 Maajo 2023 – Gabar yar oo 11 jir ah oo hibo leh oo reer Mexico City ah, ayaa la sheegay inay leedahay IQ ka sarreeya midkii Alberti Einstein, iyadoo qaadan rabta shahaadada mastarka ee injineernimada islamarkaana rajaynaysa inay maalin uun cirbixiyeen u noqoto NASA.

Adhara Pérez Sánchez, oo ku kortay xaafadda faqriga ah ee Tláhauc ee uu dhakhligeedu yar yahay, waxaa ay kasoo carartay dugsiga kaddib markii ay carruurta kale maageen maadaama ay qabto autism.

Waxaa laga helay autism-ka iyadoo seddex jir ah kaddib markii ay hadli waydey. Waxa la arkay iyada oo isku ruxaysa kursigeeda, markii ay bilowday inay si deg deg ah u gurguurato.

Kaddib sannado badan oo macalimiin aan naxariis lahayn iyo cagajuglaynta uga imanaysey ardayda ay isku fasalka ahaayeen, waxay taasi u horseeday inay beddelato iskuulka ilaa saddex jeer, waxayna Adhara markii dambe bilowday inay gooni u baxdo, sida uu qoyskeedu u sheegay Marie Claire Mexico.

“Macalimiintu aad uma naxariisan, waxay ii sheegeen inaysan dhammaystiri karin hal cashar,” ayay hooyadeed, Nayeli Sánchez, u sheegtay majaladda. ‘Waxay bilowday inay gooni isu saarto, ma rabin inay la ciyaarto ardayda ay isku fasalka yihiin, waxa ay dareentay qariibnimo, iyo duwanaan, taasoo u keentay inay isku buuqdo.” ayay raacisay.

Kaddib mar qura ayay hooyadu dareentay in inanteedu ay iskeed isu bartay xisaabta Aljabrada oo ay xifdisay jadwalka curiyeyaasha Kimisteriga, waana marka ay dareentay hibada aan caadiga ahayn ee gabadha.

Waxay deeto ka diwaangelisey Xarunta Ka warqabka ilmaha hibada leh (CEDAT). Halkan, ayaana waxaa lagu ogaadey inay leedahay IQ gaaraya 162, kaasoo xitaa ka badan Albert Einstein iyo Stephen Hawking, kuwaas oo labaduba lahaa IQ dhan 160.

Adhara, who has an IQ of 162, endured years of apathetic teachers and bullying classmates, causing her to change schools three times

Hadalsame Media