(Muqdisho) 08 Maajo 2023 – Maamulka Degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay nin watey gaari uu ku jiro maydka cunug yar oo 6 sano jir ah.
Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay C/raxmaan Muuse Cali, ayaa la ogaadey inuu ku shaqaynayey gaarigan uu la socday wiilka yar ee geeriyoodae, kaasi oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Yuusuf C/llaahi.
War ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in lagu wargaliyey gaariga oo ku sugnaa agagaarka Isbitaalka Digfeer. “Shantii 5/6/2023, abaare 4:45 galabnimo, dadka deggan Degmada Hodan, gaar ahaan agagaarka Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan (hore loo oran jirey Digfeer) waxay ku wargeliyeen qaybta guud ee Booliska G/Banaadir gaari halkaa la soo dhigay oo uu ku jiro cunug yar.
Markii ay ciidamadu goobta soo gaareen ayaa gaariga ka dhex heleen ilmaha yar oo dhinsan” ayaa lagu faah faahiyay warka kasoo baxay Taliska Booliska G/Banaadir.
Eedaysanahan la qabtay ayaa waxaa iminka ku socda baaritaanno ay wadaan Ciidamada Booliska. Kaddib marka ay soo gabagabeeyaan su’aalahooda, booliisku waxay u gudbin doonaan natiijooyinkooda maxkamadda ku haboon tillaabooyinka xiga.
Dhibka jira se waa in baaritaannada noocan oo kale ihi aysan meelna aadin maadaama uu jiro musuq baahsan iyo nidaam xumo raagtey.
Hadalsame Media