Midowga Yurub oo si cad ula bareeray kalluumaysiga sharci darrada ah ee xeebaha Somalia (Doorka ay ciyaartay DF & Kenya oo la laaluushey?)

0

(Hadalsame) 08 Maajo 2023 – Sanduuqa lacagaha ilaalinta kalluumaysiga cagaaran ee Midowga Yurub oo loogu talagalay in lagu badbaadiyo degaanka, ayaa la sheegayaa inay Badwaynta Hindiya ka wadaan howl aad loo dhaleeceeyey oo ku saabsan in isla sanduuqani uu taageerayo in maraakiibta kalluumaysiga ee Midowga Yurub ay sii wadaan kalluumaysiga xad-dhaafka ah ee tuunnaha, sida uu qorayo Politico.

Maraakiibta kalluumaysiga Midowga Yurub – oo intooda badan ay leeyihiin Faransiis ama Isbaanish – ayaa waxay qabsadaan ilaa saddex meelood meel tuunnada biyahaasi, marka loo eego xogta Guddiga Tuunnada Badwaynta Hindiya (IOTC), oo ah hay’ad caalami ah oo u xilsaaran maaraynta kalluumaysiga.

Si taas loo sameeyo, waxay adeegsadaan waxa loogu yeero qalabka kordhinta kalluunka – waana walxo sabaynaya oo ka samaysan caag ama alwaax loo isticmaalo in lagu soo jiito ama lagu siro kalluunka – taas oo ay saynisyahannadu sheegeen inay horseedaan kalluumaysi xad-dhaaf ah ama ay keenaan wasakhow ama dikhow.

Haddaba, iyadoo ay walaac ka qabaan dhaqamada Midowga Yurub, dalal ka kooban 11 dal oo xubno ka ah IOTC ayaa ku baaqaya in la xaddido isticmaalka aaladahan sabbaynaya si kalluunka loogu oggolaado inuu soo kabsado oo loo hubiyo badbaadada gacalooyinkan si aysan u dabar go’in. Soo jeedintoodu waxay ku baaqaysaa in 72-maalmood la hakiyo kalluumaysiga.

Maraakiibta kalluumaysiga EU oo ku xiran gasiiradda Seychelles

FAL-CELINTA HUNGURI WAYNANKA AH EE EU – Midowga Yurub oo shirarka IOTC u dira wefdi laba jeer ka badan dalka ugu wufuud badan dalalka Badwaynta Hindiya oo ah Indonesia oo gaaraya 40 xubnood ayaa lacag u adeegsanaya danahooda gurracan.

Midowga Yurub wuxuu bilaabay olole lagu hubinayo inaysan taasi dhicin. Midowga Yurub wuxuu hadda la leeyahay laba heshiis oo kalluumaysi oo firfircoon wadamada xubnaha ka ah IOTC qaarkood: heshiis €5.3 milyan ah oo euro oo uu la galay Seychelles, kaas oo ay ku xirtaan inta badan maraakiibta kalluumaysiga ee EU-da, iyo heshiis €7 milyan ah oo euro ah oo uu kula jiro Madagascar.

Waxa kale oo ay ay Dowladda Kenya kula jiraan heshiiska “dhaqaalaha buluuga ah” oo gaar ah oo ku kacaya 24 milyan oo Yuuro, midna waxa ay Tansaaniya ku siiyaan €180 milyan oo euro, taasoo keentay in dalalkan qaarkood ay taageeraan qorshaha EU-da.

Kenya waxay sidoo kale ka mid tahay dalalkii markii hore taageerayey hindisaha ilaalinta Tuunnaha balse markii dambe is bedeley kaddib kulan dhexmaray EU iyo Wasiirka Dhaqaalaha Buluugga ah ee Kenya, Salim Mvurya, oo lagula shiray Pride Inn Hotel oo ku yaal Mombasa.

Indonesia – oo taageero ka helaysa Soomaaliya, India, Australia iyo Koonfur Afrika, iyo kuwa kale, ayaa riixaya in la hirgeliyo qorshaha xadidaadda kalluumaysiga xad-dhaafka ah ee EU, taasoo keentay in seddax meelood oo laba meel ay u codeeyaan hindisaha, balse waxaa diidey dalalka Seychelles, Comoros, Cumaan, Kenya iyo Filibiin.

Hindisahan waa la meel mariyey, taasoo la macno ah inay qaataan oo dhaqangeliyaan xubnaha IOTC. Laakiin sida uu qabo sharciga ururku, waddan kasta oo diidmo keena 120 maalmood gudahood kuma khasbana inuu hirgeliyo.

Maxamuud Badrudiin, oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya, ahna madaxa wefdiga IOTC ee Soomaaliya, ayaa sheegay in dalka ay dagaalladu aafeeyeen ee Soomaaliya ay u codeeyeen hindisahaas maadaama aysan awoodin in kaydka kalluunka Tuunnaha oo sii yaraanaya uu kasii daro.

Kulan maanta ay yeelanayaan dalalka IOTC ayaa looga sii hadlayaa arrimahan.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media