Dibedbaxyo rabshado wata oo ka soconaya magaalada Boorama & Calanka Somalia oo … (Daawo)

0

(Boorama) 08 Maajo 2023 – Waxaa kacsan xaaladda magaalada Boorama ee Gobolka Awdal kaddib markii uu halkaa ka bilaabmay mudaaharaad ay dhigayaan dadka degaanka oo jidadka ku gubaya taayarro kuna qaylinaya kelmado ka dhan ah Maamulka Somaliland.

Dadkan ayaa ka dhiidhinaya dilkii loo gaystey Taliye Xigeenkii Ilaalada Xeebaha Lowya-caddo, Khadar Xabeeb, kaasoo uu maalin dhowayd toogtey sarkaal ka tirsan askartiisu.

Askariga dilka gaystey ayay Maxkamadda Ciidamada Hargaysa waxay shalay ku xukuntay dil toogasho ah, balse dadku weli uma muuqdaan kuwa ku qancay dacwaddaa sida deg degga ah loo qaaday.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay dhaawacmeen dad shacab ah kaddib markii rasaas ay ku rideen ciidamada booliisku, kuwaas oo rabay in ay xoog ku kala eryaan shacabkan bannaanbaxayey.

Meelaha qaar baa la arkayey dadka mudaaharaadaya oo wata Calanka Somalia ee buluugga ah.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa laba arrimood oo ay midi tahay xilli ay Laascaanood ka gaddoodey sheegtayna inay kana baxday Maamulka Somaliland iyo Maalinta xuska Sanad-guurada 31-aad ee kasoo wareegtey asaaskii Somaliland oo uu ka jiro maamul sheegta inuu ka go’ay Somalia inteeda kale oo ay 10 maalmood ka harsan yihiin.

Hadalsame Media