(London) 08 Maajo 2023 – Booliska Ingiriiska ayaa waxa ay ka shaqaynayaan sidii ay u aqoonsan lahaayeen taageere Crystal Palace ah oo u muuqdey inuu toos si cunsuriyadaysan u aflagaadeeyey weeraryahanka Tottenham ee Son Heung-min Sabtidii.
Xiddigga South Korea ayaa la bedeley daqiiqadii 89-aad wuxuuna garoonka uga baxay meeshii ugu dhowayd ee suurtagalka ahayd taasoo keentay inuu dhex maro taageerayaasha Palace ee joogey garoonka Tottenham Hotspur Stadium.
Waxaa deeto la arkayey nin dadwaynaha ku jirey oo Son ula bareeraya tilmaan ay ka muuqato cunsuriyad ka dhan ah dadka Indha-yarta ah, taasoo uu ka xumaaday laacibkan 30 jirka ah.
Marar isdaba joog ah ayaa la arkayey taageerahan oo indhihiisa marmaraya si uu u aflagaadeeyo Son.
Muuqaalo fiidiyow ah oo seddex ilbiriqsi ah ayaa qabtay ninkan, waxaana haatan wada shaqaynaya Booliiska Magaalooyinka iyo kooxda Tottenham, si loo bargarto ninkan loona soo qabto.
The racist gesture directed at Son Heung-min by a Crystal Palace fan during the May 6, 2023 Premier League match highlights the urgent need to take action and put an end to racism and discrimination in sports and society. pic.twitter.com/ayRob8lUPd
— ؘ (@shmpics) May 7, 2023
Hadalsame Media