7 ROOSE oo ka dhacday derby-ga Argentina & Xaalka oo gaarey inuu booliisku soo farageliyo (Daawo)

0

(Buenos Aires) 08 Maajo 2023 – Gacan ka hadal baahsan ayaa ka dhacay garoonka Estadio Monumental daqiiqadii 93-aad kaddib markii xiddigga River ee Miguel Borja uu gool u badalay rigoore muran dhaliyey.

Inta badan 83,000 oo ka mid ahaa dadkii soo xaadiray ayaa aad ugu farxay markii ay kubbadu shabaqa riixday taasoo River siisay 1-0 ay hoggaanka ku qabatay, laakiin goolhayaha Boca ee Sergio Romero ayaan ka helin hab-dhaqanka laacibiinta lidka ah ee ay xifaaltamaan, waxaana ay taasi keentay in saddex ciyaartooy koox kasta roose laga siiyo iyo xitaa tababaraha Boca ee Jorge Almiron.

Xataa marka la eego halbeegyada kulankan kacsan ee Superclasico, waxay ahayd arrin aan caadi ahayn waxa xalay ka dhacay halkaasi ee u dhexeeyey Boca Juniors iyo River Plate oo ku coltama ciyaaraha Argentina.

Nidaamiyeyaasha iyo booliiska rabshadaha ayaa soo farageliyey si ay gacan uga gaystaan kala celinta kooxaha, balse markii arrimuhu ay ugu dambayntii qaboobeen, garsooraha ayaa ciyaarta ka saaray min seddex ciyaaryahan oo labada dhinac ah iyo sidoo kale tababaraha Boca, Jorge Almiron.

Hadalsame Media