
(Hadalsame) 07 Maajo 2023 – In ka badan toban dayuuradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ayaa isku dayey inay weeraraan Crimea, Russia habeenimadii Sabtidii xalay, Guddoomiyaha Sevastopol Mikhail Razvozhaev ayaa sheegay.
Weerarka ayaa la caabiyey, mana jirto wax khasaare ah oo ay gaysteen diyaaradahan bilaa duuliyaha ah, sida uu sheegtay.
Farriin Telegram la soo dhigay, Razvozhaev wuxuu ku sheegay in hal diyaarad oo aan duuliye lahayn ay lumisay xakamihii oo ay ku burburtay kaynta; laba kalena lagu qabtay gantaalaha difaaca cirka.
Ma sheegin waxa ku dhacay qaarka kale ee soo haray.
“Ma jiraan meel magaalada ah oo ay waxyeello soo gaartey. Dhammaan adeegyadu waxay sii wadaan inay la socdaan xaaladda,” ayuu raaciyey.
Sabtigii, saraakiisha maxalliga ah ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Ukraine ay ugu yaraan laba gantaal oo baallistik ah ku rideen Crimea horraantii maalintaas. Waxaana ka hortegey difaacyada lidka diyaaradaha.
Hadalsame Media