Natiijada baaristii 1-aad ee Leao oo soo baxday & Xaalkiisa (Laacib bedeli kara haddii uu safan waayo oo calaamaysan)

0

(Milano) 07 Maajo 2023 – Rafael Leao ayaa u xaqiijiyey taageerayaasha in dhaawaciisa muruqa ihi uusan ahayn wax halis ah, laakiin Milan ayaa si kastaba ha ahaatee u baahan inay ciddii bedelaysa kulanka Inter ee Champions League haddii uusan dheelin.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa kaliya 11 daqiiqo k qaatay kulankii shalat galab ay 2-0 kaga badiyeen SS Lazio ee San Siro kahor inta uusan gacanta ku qaban bowdada midig.

Waxaa haatan soo dhacday warbixin muhim ah oo kasoo baxaysa xaaladda Rafael Leao oo shalay galab ku dhaawacmay ciyaartii horyaalka ee Lazio:

Weeraryahanka reer Portugal ayaa saaka maray tijaabo caafimaad taasoo muujinaysa inay wax gaareen oo uu u kacsan yahay muruqa dheer ee bowdada midig.

Si joogto ah ayaa loo eegi doonaa loona kormeeri doonaa qaab maaline ah si loo fahmo haddii uu awoodi doono inuu kasoo kabsado oo safto kulanka Arbacada ee lugta hore ee semi-finalka Champions League.

Yeelkeede, ma sahlana in dhaawacan oo kale ee muruqa ah laga soo bogsoodo 72 saacadood gudohood waayo xitaa haddii uusan waynayn ciyaarta sidaa u dhowi way uga sii dari kartaa.

YAA BEDELI KARA? Macquul ahaan, dhaxalka dabiiciga ah ee dadabka bidix ee weerarku  wuxuu noqon lahaa Ante Rebic, laakiin qaab-ciyaareedkiisu bilihii dhowaa aad buu u liitey doorar kala duwan oo uu saftay.

Beddelka xiisaha badan ayaa markaa noqon kara midka lagu arkay Lazio, iyadoo Alexis Saelemaekers uu bidix ka dheeley, maadaama uu aad uga waxtar badan yahay Leao dhanka degista iyo raacista difaaca marka loo eego Leao, sidaas darteedna waxay taasi u ogolaanaya Theo Hernandez inuu marar badan weerartamo.

Hadalsame Media