MW Somalia oo qiray taageero culus oo ay DF Somalia ka heshay beesha caalamka + Sababta

0

(Muqdisho) 07 Maajo 2023 – Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay taageerada ballaaran ee beesha caalamka ay uga heshay Dowladda Soomaaliya howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee dalka looga xoraynayo kooxda.

Hadalkiisa ayuu Madaxwayne Maxamuud ku qiray in Caalamka uu u soo jeestey inuu taageero Somalia, kaddib, markii ay Dowladda Somalia awoodeeda isugu gaysey Xoraynta dalka, sida uu yiri.

Madaxwaynaha ayaa ku macneeyey taageerada beesha caalamka inay ugu wacan tahay dadaalka ay Dowladdu ugu jirto sidii ay gacanteeda wax ugu qabsan lahayd oo aysan sugin ciidamo shisheeye.

Waxaa uu xusay in hadii Dowladda Soomaaliya ay dibedda ka sugi lahayd kaalmo aysan imaan lahayn. Si kastaba ha ahaatee, kaddib markii ay ku dhaqaaqeen oo wax ku qabsadeen xooggooda, Dowladdu waxay heshay gargaar badan oo caalami ah.

Bishii la soo dhaafay, Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Larry André, ayaa bogaadiyey howlgallada ciidamada dowladda Soomaaliya ay kula dagaalkamayaan Al-Shabaab, isagoo sheegay in weerarrada ay Soomaaliya hormuudka ka tahay ay dib ugu soo celiyeen madaxbannaanida Soomaaliya saddex meelood hal meel oo ay horay u maamuli jireen kooxda xagjirka ah, sida uu sheegay.

Si kastaba, dagaalka oo markii hore ku bilowday qaab heer degaan ah ayaa waxaa haatan ku yimid gaabis badan, gaar ahaan dhanka Gobollada Dhexe.

Hadalsame Media