MW Imaaraadka oo 30 naagood oo Ruush ah la tegey dalka South Africa & Muran ka taagan waxa ay samaynayeen

0

(Eastern Cape) 07 Maajo 2023 – Madaxwaynaha Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, ayaa la sheegay inuu koox dumar ah oo Ruush iyo Aasiyaan ah ula duulay Eastern Cape, intii lagu guda jirwy socdaalkii muranka dhaliyey ee uu dalkaasi ku tegay dhowaan.

Sida laga soo xigtey warbaahinta, 30 haween ah waxaa lagu hayey teendhooyin gaar ah, oo ka fog lammaanaha mudanayaasha iyo xaasaskooda.

Xukuumadda Eastern Cape ayaa waxaa taagnaa dhaliilo loo jeedinayo, kaddib markii la ogaaday in Madaxwaynaha Imaaraadka Carabtu uu la yimid 500 oo marti ah oo ay ku jiraan xubno kale oo ka tirsan qoyska boqortooyada, si ay ugu dabbaaldegaan dhamaadka bisha Ramadaan.

Diyaarada gaarka ah ee siddey Al Nahyan ayaa kusoo degtey garoonka diyaaradaha ee Bulembu – iyadoo adeegsanaysa dhabbe uu ku bixiyey R20 milyan oo lacagtiisa ah.

Sida inaanay taasi ku filnayn, Al Nahyan waxa kale oo uu beer gaar ah ka bixiyey lacag dhan R320 milyan, halkaas oo ay joogeen dhammaan martidiisii – oo ay ku jiraan dumarku – muddadaas.

Su’aalo ku xeeran sharcinnimada socdaalka oo ay ku jiraan in la maray habraaca socdaalka ayaa la soo bandhigay, si kastaba ha ahaatee Wasiirka Madaxtooyada, Khumbudzo Ntshavheni, ayaa shaaca ka qaaday in martigelinta Madaxwaynaha Imaaraadku ay waafaqsan tahay heerarka diblamaasiyadeed ee caalamiga ah ayna si buuxda u waafaqsan tahay shuruucda Koonfur Afrika.

Haweenka la duuliyay waxay ahaayeen “qaar ka mid ah kuwa ugu quruxda badan uguna wanaagsan,” sida ay qortay warbaahintu.

Shaqadoodu waxay ahayd inay asal ahaan madadaaliyaan Madaxwaynaha Imaaraadka Carabta iyo qaar ka mid ah saaxiibbadii inta lagu jiro safarkaas South Africa, laakiin wax kale oo badan lagama oga wax lagu sheegay “waajibaadkooda” kale.

Wax kasta oo ay “madadaalintu” macna ahaan ahayd, haweenku waxay ku jireen goob qurux badan maadaama Sheikh Mohammed bin Zayed uusan wax kharash ah la harin. Dumarku waxay joogeen beerta – laakiin waxay 8km u jireen hooyga qoyska boqortooyada.

Madaxda Imaaraadka ayaa dumar ay soo xusheen u wata safarrada ugaarsiga ah mana jirin haween Koonfur Afrikaan ah oo lagu soo daray booqashadan, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi.

Arrintan ayaa gef ku ah dhaqanka suubban iyo diinta Islaamka. Weliba ninka samaynayaa waa hoggaamiye ka socda dal Muslim ah oo booqanaya dal gaalo u badan oo aan madaxdooda loo ogolayn arrintaas.

Hadalsame Media