(Hadalsame) 07 Maajo 2023 – TALO QARAN – Si aan u guuleysanno, xulkeenna qarankana u guuleysto waxaan u baahannahay laba arrin oo keliya.
1. Inaan soo xulanno ama sameysanno ciyaartooy jir ahaan dhisan ama xooggan, taasoo lagu gaari karo in ciyaartoyda la xareeyo, kaddibna la siiyo cunto nafaqeysan (Balanced Diet) iyo Jirdhis/Exercise (Gym) oo ay u dheer tahay Jiif.
2. Inaan soo xulanno dadka hiddo ahaan xoogga u dhashay ama lafta leh ee kubaddana yaqaanna ee gobollada dalka kala jooga, annagoo ku soo xulanayna shaqsiyaddooda ee aan ku soo xulanayn qabiil, halkii aan la soo shir tegi lahayn ciyaartooy jir ahaan laf yar oo qabiil ahaan lagu keenay isla markaana tabar la’aan ah oo qaarkood indhuhu madoobaanayo markay laba jiirro ordaan.
Garoommada cayaaruhu ma ahan meel dadka lagu nafaqeeyo ee waa meel lagu legdamo oo awood la isugu sheegto, ciddii xoog badanna ay guulaysato!!
Wabillaahi Towfiiq.
W; Q: Yaxya Yuusuf
Hadalsame Media