(Hadalsame) 07 Maajo 2023 – QISO IYO CIBRO – Nin guddoomiye ka ah gobol dalka Shiinaha ka mid ah baa dhagax aad u weyn ku gooyay waddadii gaadiidka iyo dadku ay marayeen, gebi ahaanna ku jaray.
Waxa markaas uu u wakiishay nin waardiye ah oo inta uu geed gadaashiid ku gambado, u soo tebiya fal celinta dadweynaha.
Qofkii ugu horreeyay ee waddada dhagaxa lagu gooyay soo maray waxa uu noqday ganacsade weyn oo magaalada caan ka ah. Dhagaxii inta uu si yaqyaqsi leh u dhugtay, buu ciddii falkaas samaysay dhaleeceeyay, isaga oon ka war qabin in uu guddoomiyaha gobolka yahay. Ganacsaduhu inta uu dhagaxii ka wareegtay, buu cod dheer ku yiri: “Waan ka dacwoonayaa falkan, ciddii ka dambsysay, ciqaabta ay mudan tahayna waa ay helaysaa”.
Keddib, waxa soo maray nin kale oo isagu muruq-maal ah, waxana uu u dhaqmay qaab u eg qaabkii uu ganacsaduhu u dhaqmay, hase yeeshee kii hore waa uu ka cod gaabnaa, maadaama saamaynta uu dalka ku leeyahay uu kan ganacsadaha ka hooseeyay.
Dabadeed, waxa soo maray 3 dhallinyaro ah oo iminka uun dariiqoodii nolosha u gogol xaaranaya. Dhagaxii weynaa inta ay dhinaca ka istaageen, bay xaaladda dalkoodu uu marayo ku jeesjeeseen, qofka waddada ku gooyayna waxa ay ku tilmaameen jaahil axmaq ah oon damiir lahayn. Keddibna guryohoodii ayay iska aadeen.
Laba maalin kolkii ay ka soo wareegtay, waxa waddadii soo maray nin beeraley ah oo dadka saboolka ah ka mid ah. Ninkii isaga oon juu dhihin, buu inta uu shaarka laabtay, macawistana xeydtay, isku deyay in uu dhagaxii waddada ka dhaqaajiyo. Dad kale oo waddada marayay buu inay gacan ku siiyaan weydiistay. Dadkii qaar baa ku dhiirraday inay dhagaxa la riixaan, sidaas bayna waddadii uga leexiyeen.
Ninkii beeraleyda ahaa markii uu dhagaxii dhaqaajiyay, waxa uu hoostiisa ka helay sanduuq yar oo uu dahab ka buuxo iyo warqad ay sidan soo socotaa ku qoran tahay:
“Ka: Guddoomiyaha gobolka
Ku: Cidda dhagaxa waddada ka leexisa.
Dahabkani waa abaalmarintaadii, maxaa yeelay waxa aad tahay qof togan oo u istaagay xallinta mushkilad jirta adiga oo aan qaylin cidna eedayn”.
Cibrada qisada ku jirtaa waxa weeye qof walba oo innaga mid ahi ha eego imisa dhibaato ayaa ina haysata oo aannu si fudud ku xallin karno. Haddii aan xalkeeda billaabi lahayn intii aan eer sheegad iyo cid kale dhaleecayn ku fekeri lahayn, sow ma aynu xallinneen!
Alle waxa uu Aayadda 11aad ee Suurat Al-Racad ku leeyahay:
{إِنَّ اللَّـهَ لا يُغَيِّرُ ما بِقَومٍ حَتّى يُغَيِّروا ما بِأَنفُسِهِم}
(سورة الرعد: ١١)
“Alle xaalad (dhibaato) ay qolo ku jirto kama beddelo ilaa ay marka hore iyagu (dadaal) aanay horay u lahayn la yimaadaan”.
Aayadda micneheedu taas caksigeeda waa uu noqon karaa oo ah: Alle xaalad (barwaaqo) ay qolo ku jirto kama beddelo ilaa ay marka hore iyagu (fisqi iyo dulmi) aan horay uga dhex jirin la yimaadaan”.
W; Q: Sabriye Musse
Mail: moqokori@gmail.com
Hadalsame Media