(Liverpool) 06 Maajo 2023 – Taageerayaasha kubbada cagta Liverpool ayaa qaylo ku qarqiyey astaanta Calanka UK ee “God save the King” maalinta Caano-shubka Boqorka iyagoo si wayn u qaylinaya.
Heesta calanka ayaa la daaray kahor kulankii Premier League ee Liverpool iyo Brentford ku dhexmaray Anfield galabnimadii kaasoo ay 1-0 ku badisay koox gurigu, si loo xuso caleema saarka King Charles III iyo Queen Consort.
Laakin taageerayaashii ku sugnaa gudaha garoonka ma aysan ixtiraamin heesta xilli ay labada kooxood ay taagan yihiin goobabada dhexe.
Jees-jeesku wuxuu bilaabmay islamarkiiba lagu dhawaaqay in heesta calanka la daari doono daqiiqado kahor inta aysan ciyaartu bilaaban.
Markii ay ciyaartooydu ay u dhaqaaqeen dhanka wareegga dhexe halkaas oo ay garbaha isla galeen, ayay bilaabatay qaylada jamaahiirta oo ku heesaya “Liverpool, Liverpool” taasoo qabsatay garoonkii.
Taageerayaasha Liverpool ayaa sidoo kale kor u taagayey boor ay ku qoran yihiin ‘Not My King’ iyagoo ku orriyey heesta calanka.
Tan ugu darani waa in heesta calanka markii lagu orriyey kaddib la daaray midda Reds ee “You’ll Never Walk Alone”, taasoo ay si kal iyo laab ah ula qaadayeen.
Taageerayaasha qaar ayaa xitaa watey sawirrada halyeeygii Liverpool ee Kenny Dalglish oo ay ku qoreen “The King.”
National anthem can barely be heard over the boos and chanting at Anfield 🔊 pic.twitter.com/QM41Bg1yUv
— Football Daily (@footballdaily) May 6, 2023
Hadalsame Media