DAAWO: Grealish oo kashifay laacibka ugu lebbis xun, kan ugu fiican, ugu wanaagsan tababarka ama ugu liita, ugu qoob-ka-ciyaar fiican Man City (Mid yaab leh oo uu sameeyo Haaland)

0

(Hadalsame) 06 Maajo 2023 – Laacibka Jack Grealish ayaa wuxuu magacaabay Manchester City ciyaartooydeeda kuwa ugu lebiska wanaagsan iyo kuwa ugu liita iyo sidoo kale kuwa ugu xun ama ugu fiican qoob-ka-cayaarka iyo xitaa cidda ugu waqti dheer ee qubayska ku daahda.

Xiddigga garab-weerarka ka ciyaara ayaa u noqday ciyaaryahan muhim u ah City kaddib markii uu 100 milyan ginni uga soo dhaqaaqay Aston Villa sanadkii 2021-kii.

Isaga oo dhoola caddaynaya oo indha-kuul marsan, ayuu 27 jirkani waxa uu hadda si gaar ah u daaha uga qaaday Mail Sport xogo aan lasii ogayn oo ku saabsan saaxiibadiis City.

Intii lagu guda jirey su’aalo dhowr ah oo kulul, Grealish ayaa la waydiiyey cidda ugu caajis badan tababarka.

QORAALKA OO BUUXA

Kan ugu fiican tababarka?

Phil Foden.

Kan ugu caajisan tababarka?

Kevin de Bryne.

Kan ugu lebbis fiican?

Kyle Walker.

Ugu lebbis xun? 

Rodri.

Ugu qoob-ka-ciyaar fiican?

John Stones.

Ugu qoob-ka-ciyaar xun?

Isaga.

Ugu dookh fiican muusigga?

Isaga. Multigenre DJ.

Ugu dookh xun muusigga?

Rodri.

Ugu xirfad wanaagsan?

Phil Foden.

Ugu waqti dheer qubayska?

Erling Haaland.

Ugu waqti dheer jiimka?

Ruben Dias.

Hoos ka DAAWO….

Hadalsame Media