DOORASHADA TURKIGA: Dalalka ku dheggan Erdogan & Arrin uu qirtay musharraxa ay is hayaan oo caawinaysa

0

(Ankara) 04 Maajo 2023 – Doorashada Turkiga ka dhici doonta 14 bishan xiisaha ay dunidu u haysaa wax ay la heer tahay ta Maraykanka ka dhacda. Cid waliba aad bay u danaynaysaa: Yurub, Maraykan, Ruush, Carabta, Eeraan… In la wada daneeyo waxaa keentay dalkaas oo noqday awood dhab ah iyo dal istiraatiji ah oo quwadaha dunida ku loollomaya mid waliba doonayso in ay garabka saarto.

Erdogaan wax ay aad isu hayaan Maraykanka oo ay haddana ku wada jiraan xulafada NATO. Sidoo kale wax ay is hayaan Midowga Yurub oo weligood aad u diiddanaa siyaasaddiisa dhaqan-raaca ah, halka ay iyagu ka shaqeeyaan dalkaa inay dhaqanka Yurub u furfuraan.

Dhaqan-raacnimada iyo muslinnimadu waa isla sababta ay xukuumadaha Carabta ee faasidka ahi u colaadiyaan. Ruushka, Shiinaha iyo Eeraan wax ay gaashaan uga dhiganayaan reer Galbeedka.

Intee ayay la’eg tahay haddaba fursadda uu Erdogaan kursiga ku soo noqon karaa? Ilaa imika waa 50%, waayo xisbiyo aad u tiro badan baa isu xulufaystay, halka isaga xisbi keli ahi gaashaanbuur la yahay. Fursaddiisa waxa ugu wayn ee yaraynayaa waa isaga oo kursiga ku raagey, waxa ugu wayn ee guushiisa badhitaarayaana waa in uu wax aad u wayn dalkiisa u qabtay oo cagta u saaray tubtii horumarka.

Xulufada la loollamaysa ninka hoggaaminaya oo ah Kamaal Kiliijdaar Ooglo qudhiisu taageero wayn buu haystaa, waxaan se anigu malaynayaa inay nabar ku noqonayso xaqiiqada uu maalin dhowayd qirtay ee ah in uu yahay firqada Calawiga, oo ah isla tan ku galgalatay talada dalka deriska ah ee Suuriya.

Reer Turkiya waa bulsho calmaani ah oo aan siyaasad ahaan diintu kaalin wayn ku lahayn, laakiin kolleey dhiillo ayay gelinaysaa inay is ku caqiido noqdaan Madaxwynaha dalkooda iyo qoyska deriskooda gubaya ee malyuumaadka Sunniga ah kusoo qaxiyey.

Si walba, 14 bishan in ka badan 64 milyan oo codbixiye ayaa go’aaminaya natiijada doorashadaa aadka u xiisaha badan.

W; D: Ibraahim Hawd

Hadalsame Media