(Moscow) 04 Maajo 2023 – Madaxwaynihii hore ee Ruushka, Dmitry Medvedev, ayaa isbarbardhig ku sameeyey Ukraine iyo Nazi-gii Germany Arbacadii, kaddib markii laba diyaaradood oo aan duuliye lahayni ay beegsadeen Aqalka Kremlin-ka, sida uu Ruushku sheegay.
Guddoomiye Xigeenka Golaha Amniga Qaranka ayaa ku boorriyey nidaamka Moscow inay ka aargoosato madaxwayne Vladimir Zelensky oo uu si cad ugu baaqay in la khaarajiyo.
“Kaddib falkii argagixisanimo ee maanta, ma jiraan wax ikhtiyaar ah oo haeay oo aan ka ahayn in meesha laga saaro Zelensky iyo dadka ku dhow dhow jir ahaan,” ayuu Medvedev kusoo qoray Telegram-ka.
“Uma baahnin isaga inuu saxiixo is dhiibitaankooda [sharuud la’aaneed]. Hitler, sida la og yahay, ma saxiixin. Mar walba waxaa jiri doona qof sida Admiral Doenitz oo kale ah oo ku fadhiista booska madaxwayne, “ayuu raaciyey, isaga oo tixraacaya sarkaalkii Nazi-ga ee sida rasmi ah u beddelay Hitler kaddib markii uu isdiley Abriil 1945-kii kaasoo saxiixay is dhiibiddii Jarmanka.
Carada Medvedev ayaa waxaa kiciyey weerarkii habeen hore ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Moscow, kaasoo Ruushku ku eedeeyey Ukraine.
Dhanka kale, islamarkiiba uu soo baxay bayaanka Kremlin-ka ee ku saabsan isku dayga isticmaalka diyaaradda aan duuliyaha lahayn, telefishanka Finland ayaa sheegay in Zelensky “uu sii joogi doono Finland in ka badan intii horay loo qorsheeyey.”
Jadwalkii asalka ahaa wuxuu ku baaqayey booqasho hal maalin ah. Zelensky ayaa shalay sidoo kale sheegay inaysan iyagu ka dambaynin weerarka lagu qaaday Moscow.
Immediately after the Kremlin’s statements about the attempted using a drone, Finnish television reported that Zelensky “will stay in Finland longer than planned.”
The original schedule called for a one-day visit. pic.twitter.com/yylmxH04lx— Spriter (@Spriter99880) May 3, 2023
Hadalsame Media