”Waan ka maarmi doonnaa inaan saliid soo degsanno” – Turkiga oo helay shidaalkii ugu badnaa

0

(Ankara) 03 Maajo 2023 – Ceelal shidaal oo lagu qiyaasay inay ku jiraan wax ka badan 100,000 oo fuusto maalintii ayaa laga helay Turkiga, sida uu Talaadadii ku dhawaaqay Madaxwayne Recep Tayyip Erdogan.

Khayraadkan cusub ayaa laga helay meel u dhow goob shidaal oo ku taal degaanka Buuraleeyda Gabar ee koonfur bari ee gobolka Sirnak, sida uu sheegay Erdogan, isaga oo intaa ku daray in goobtaasi ay awood u leedahay inay soo saarto shidaal ka badan meel kasta oo kale oo Turkiga ah, ayna xoojin doonto madaxbannaanida iyo isku fillaanshaha tamarta dalkaasi, sida ay qortay TASS.

“Turkiye ma sii ahaan doono waddan u baahan soo degsiga tamarta. Waxaan noqon doonnaa dowlad awood u leh inay iyadu dhoofiso khayraadka tamarta,” ayuu ku dhawaaqay.

Sida laga soo xigtey hoggaamiyaha Turkiga, shidaalka ceeriinka ah ee laga soo saaray ceelashan ayaa durba kusii qulqulaya wershadaha sifaynta saliidda ee Turkiga.

”Turkiye waxa uu qiimeeynayaa madaxbannaanida tamarta waxaana ay doonaysaa inay ka maaranto soo degsiga shidaalka, taasoo ay awal ku dhowaad gebi ahaanba dibedda kasoo degsan jirtey.” ayuu raaciyey.

Bishii Diseembar, Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in gobolka Sirnak laga helay goob shidaal, taasoo uu kaydkeedu uu gaarayo 150 milyan oo fuusto, waxaana lagu qiyaasay qiimaheeda 12 bilyan oo doollar.

Hadalsame Media