(Sumgayit) 03 Maajo 2023 – Dhacdadan ayaa ka dhacday Iskuul Isboorti oo ku yaalla magaalada Sumgayit.
Tababare Mehman Khalilov oo wiilkan yar garaacay ayaa ah nin horay u hantay billadda maarta ah ee ciyaaraha labaad ee Sambo ee Yurub ama Second European Games.
Muuqaalka kaamirada CCTV ayaa muujinaya tababaraha oo timaha ka jiidaya wiilka yar oo uu si arxan darro ah ugu laadayo carruurra kale hortooda isagoo u muuqda inuusan istaagi karin qoorta oo ka jaban darteed.
Balse macallinka ayaan u muuqanin mid dareemaya ama dan ka leh arrintaa. Wiilka markii dambe ku dhintay isbitaalka. Halkan ka daawo iskana jir waa muuqaal aad loo dhibsado.
Khalilov ayaa hadda la xiray. Kiis ciqaabeed ayaana laga keenay maadaama uu si ula kac ah dhaawac halis ah oo jireed u gaystey taas oo sababtay dhimashada dhibbanaha oo sababsaday dayacaad. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Magaalada ayaana baaraya dhacdada.
Khalilov, oo 28 jir ah, waxa uu ku guulaystey billad maar ah tartamada Yurub 2018 iyo ciyaaraha Yurub 2019-kii, waxaa kale oo uu ku guulaystey Koobka Adduunka 2018 Sambo. 2015-kii, Mehman waxa uu Azerbaijan u matalay Koobka Adduunka Ciyaarta Sambo ee lagu qabtay Casablanca gaar ahaan qaybta miisaanka 57-kiilogaraam.
In Azerbaijan , a coach killed a 7-year-old child during training .
On the footage, the bronze medalist of the second European Games Mehman beats his little ward to death.
As a result of a rough and dangerous reception, the child broke his neck and died in the hospital. pic.twitter.com/AjTxVtBeHH— Armenian Info1 (@info1Armenia) May 1, 2023
Hadalsame Media