(Algiers) 03 Maajo 2023 – Xulka Somalia oo markii taariikhda ugu horreeyey ka qaybgelaya Koobka Junyarka 17-jirrada Qaramada Afrika iyadoo laba kulan oo ay la kala ciyaartay Algeria iyo Congo hal dhibic kala timid.
Yeelkeede, Xulka Somalia ayaa weli soo bixi kara haddii ay natiijadu noqoto sida ay doonayaan iyaguna ay lugtooda ku caana maalaan.
Sababtu waxay tahay in loo baahan yahay ilaa 8 kooxood oo usoo gudba wareegga sideed dhamaadka, kuwaasoo ay afar si toos ah koowaad iyo labaad ugasoo baxayaan guruubyada oo laba ah, halka labada harsani ay noqon doonaan labada kooxood ee ugu dhibcaha sarreeya kaalimaha seddaxaad. Waxaa ka mid ah sennaariyayaasha ya ku badin karto:
1 – KAALINTA LABAAD – Inay ka badiyaan Xulka Senegal oo horay usoo baxay, sidoo kalena la garaaco xulka Algeria.
2 – KAALINTA SEDDAXAAD – Inay barbarro la galaan Senegal sidoo kalena lagu dhego Congo, ama in xitaa laga badiyo, balse goolal badan looga badiyo xulka Congo.
Si kastaba, Somalia ayaa 5-ta bishan Maajo isla xilligii xalay oo kale wajahaysa dhiggeeda Senegal.
Hadalsame Media