(Paris) 03 Maajo 2023 – Lionel Messi ayaa laga ganaaxay kooxda Paris Saint-Germain muddo laba todobaad ah kaddib markii uu safar aan loo idmin ku tagey Saudi Arabia Isniintii.
Xiddigan ku guuleystey Koobka Adduunkaayaa waxa uu horay u sii qorsheeyay booqashadan oo ah mid ka mid ah waajibaadkiisa ganacsi ee uu dalkaa u sameeyay isaga oo ah Danjire-sharafeedka dalxiiska dalkaas.
Ciyaartoyda PSG ayaa la rabey inay fasaxnaadaan Isniintii, si kastaba ha ahaatee, kaddib guuldarradii ay 3-1 ku garaacday Lorient Axaddii, ayuu macallin Christophe Galtier kooxda ugu yeeray tababar deg deg ah.
Messi, si kastaba ha ahaatee, wuxuu horay usii watay safarkiisa Sucuudiga mana awoodin inuu soo laabto.
Markii ciyaartooyda PSG la isugu keenay garoonkooda tababarka ee Camp des Loges Isniintii, Messi wuxuu ahaa qofka qura ee laga tebayey xerada.
Yeelkeede, safarkiisu maadaama uusan ahayn mid uu u fasaxay macallin Galtier, ama la Maareeyaha Isboortiga Luís Campos, naadigu wuxuu furay dacwad anshax marin ah.
Sidaa darteed, kabtanka Argentina ayaa seegi doona labada kulan ee soo socoda ee PSG, oo kala ah Troyes Axaddan, iyo Ajaccio Sabtiga xiga Maajo 13.
Hadalsame Media