MW SOMALIA VS MW KENYA: Arag sida ay u kala qurux badan tahay sida ay uga kala hadleen xilal la sheegay in gabdhohooda loo dhiibey

0

(Hadalsame) 03 Maajo 2023 – Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa habeen dhowayd sheegay inuu dadwaynaha u qabanayo Dood-furan waxaana la waydiiyey su’aalo la xiriira dowladnimada iyo waxqabadkiisa.

Wuxuu soo hadal-qaaday walaaca laga qabo nin jeclaysi iyo musuq baahsan oo lagu eedeeyey maamulkiisa, balse wuxuu ku dooday in qoysaska madaxda Soomaaliya ay xaq u leeyihiin inay xilal ka qabtaan.

Waxaanu yiri; “Waxaan rabaa in aan shacabka Soomaaliyeed u sheego in madaxdiinnu ay yihiin muwaadiniin caadi ah oo aad xilal sare gaarsiiseen, eheladooda iyo caruurtooduna ay yihiin muwaadiniin. ”Gabadhayda, wiilkayga, walaalkayga iyo ina abtigay ma lumin xuquuqdoodii muwaadinnimo markii aan Madaxwaynaha noqday.”

Hadalka Madaxwaynaha ayaa yimid maalmo uun kaddib markii dadka isticmaala baraha bulshadu ay faafiyeen warar aan la xaqiijin oo sheegaya in gabadhiisu ay heshay jago sare oo la-taliyaha arrimaha dibadda ah.

SIDEE AYUU ARRINTAN OO KALE UGA DABAASHAY MW KENYA?

Halka uu nin-tooxsigii lagu dhaliilayey difaacay MW Somalia, dhiggiisa Madaxwayne William Ruto ayaa khasbanaaday inuu ka hadlo eed ku saabsanayd in gabadhiisa Charlene loo sameeyey Xafiis Gaar ah, wuxuuna sheegay in aanu jirin xubin qoyskiisa ka tirsan oo ka qayb qaadanaya siyaasadda islamarkaana wuxuu caddeeyey in aanu xafiiskiisa u isticmaali doonin kor u qaadista ama dallacsiinta xubnaha qoyskiisa.

“Ma aaminsani in wax walba ay ku wareegaan Madaxwaynaha xitaa haddii uu yahay William Ruto, xubnaha qoyskaygu kama qaybqaataan wax siyaasad ah,” ayuu yiri Ruto oo sheegay inay ku haboon tahay in uu awoodiisa madaxtinnimo u adeegsado sidii uu u dallacsiin lahaa carruurta kale ee Kenyaanka ah si ay u helaan fursado la mid ah kuwa uu haysto.

Waxa uu ku gacan sayray hab-dhaqanka hoggaamiyayaasha mucaaradka oo u adeegsada xilalkooda hoggaamineed si ay xilal ugu magacaabaan eheladooda.

“Dood aad u wayn ayaa na dhexsata qaar ka mid ah ragga aannu is hayno ee u isticmaala xafiiska inay soo xushaan gabdhahooda iyo ilma adeeradood mar kasta oo ay fursad helaan,” ayuu Ruto hadalkiisa ku daray.

“Uma malaynayo inay taasi tahay habka ugu wanaagsan ee aad fursadda u isticmaali karto, haddii aad fursad hesho la xiriir qof kale si aad u dallacsiiso si ay iyaguna wax u noqdaan, maaha inay noqoto qoyskaaga oo keliya.” ayuu ku dooday MW Kenya.

Arrintan ayaa muujinaysa farqiga uu la la’egyahay inuu waxyaabaha qaar ka xarragoodo MW Kenya, halka uu difaacay MW Somalia oo iska indha tiray mas’uuliyadda uu dareemayo dhiggiisa Kenya.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media