“MW Putin wax dhaawac ihi ma gaarin” – Ruushka oo sheegay in Ukraine ay weerartay Qasriga Putin, Kremlin-ka

0

(Moscow) 03 Maajo 2023 – Ruushka ayaa sheegay inyy xaq u leeyahay inuu ka aarguto “meel kasta iyo waqti kasta oo ay u arkaan lagama maarmaan” iyadoo laga jawaabayo weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu qaaday guriga Madaxwayne Vladimir Putin, sida uu sheegay Kremlin-ku.

Saraakiisha ayaa sheegay in laba diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ihi ay isku dayeen in ay weerar ku qaadaan Kremlin-ka subaxnimadii hore ee Arbacadan, balse weerarkaas waa laga hortagey.

Madaxwaynaha wax dhaawac ah kama soo gaarin “Weerarka Argagaxisada ah,” sidoo kale dhismaha Kremlin-ka wax dhibaato ihi sooma gaarin, ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska MW Putin.

Arrintan ayaa keeni karta inuu Ruushku weeraro xarumaha nidaamka Kiev oo aanu hadda kahor weerarin, sida ay sheegayaan warar ku dhow Moscow.

Hadalsame Media