(Muqdisho) 03 Maajo 2023 – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ururka Midowga Yurub ayaa daah-furay Geeddi-socod iskaashi oo dhabbaha u xaaraya wada shaqayn cusub oo dhexsata labada dhinac labada sano ee soo aaddan.
Qorshahan oo la sheegay inuu ka dhashay dadaallo heerkoodu sarreeyo iyo wadaxaajoodyo farsamo oo bilihii la soo dhaafay dhex marayey Muqdisho iyo Brussels, ayaa dhalay tillaabadan oo ku dhisan wax wada qabsi ay labada dhinac ee Somalia & EU ka macaashi karaan.
RW Xamza Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey daah-furka ayaa tibaaxay in “qorshahan wada-shaqaynta ihi uu jidka u falayo xiriir cusub, islamarkaana uu caddayn u yahay sida ay Somalia uga go’an tahay inay iskaashigan uga faa’iideysato si waxtar u leh muwaadiniinta Soomaaliyeed.”
Josep Borrell Fontelles oo ah Wakiilka Madaxwayne Xigeenka Midowga Yurub, ayaa ISNA dhankiisa soo dhoweeyEy saxiixa ISKAASHIGAN cusub ee dhexmaraya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, wuxuuna DF ku ammaanay guulaha ay ka gaartey nabaddAynta iyo horumarinta dalka, taasoo uu sheegay inay shacabka Soomaaliyeed gayaysiin karto inay ku tallaabsadaan nabad waarta iyo baraare.
Haddaba, Geeddi-socodka la daah-furay oo qeexaya saddex aag oo ay Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub iska kaashanayaan labada sano ee soo aaddan ayaa waxaa gundhig u ah seddaxdan qodob;
1- Hirgelinta siyaasad loo dhan yahay iyo hannaan dimuqraadi ah:
- a) Hannaanka dowlad-dhiska iyo taabbagelinta degenaansho siyaasadeed
- b) Hufista iyo heshiis laga gaaro hannaanka garsoorka dalka
- c) Qaybsiga awooddaha iyo khayraadka
- d) Hirgelinta hannaanka federaalka iyo doorashooyinka
- e) Qabyotirka dastuurka, si waafaqsan muddada dowladdu u qabsatay ee 2024
- f) Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah oo ah meesha loogu laabanayo xallinta khilaafaadka.
2. Sugidda amniga iyo xasillinta dalka:
- a) In Soomaaliya ay hanato mas’uuliyadda amnigeeda( bad iyo berri) si waafaqsan xeerarka iyo dastuurka dalka, taas oo suurtagelin karta maalgelin toos ah.
- b) Dhammeystirka hannaanka dib-u-dhiska ciidammada qalabka sida, iyada oo loo marayo heshiisyadii dhexmaray Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
- c) Xoojinta kaalinta Midowga Yurub ee tayeynta iyo qalabeynta Ciidamada Qalabka Sida.
- d) Meelmarinta qaraarka Golaha Ammaanka 2628 (2022) iyo xaqiijinta in xilliga kala guurka ay si habsami leh amniga dalka ula kala wareegayaan Ciidamada ATMIS iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
3- Horumarinta dhaqaalaha bulshada:
- a) Soo afjarista go’doonka dhaqaale ee Soomaaliya muddada ku jirtey
- b) Kordhinta dakhliga gudaha dalka ka soo xarooda
- c) Ka caawinta Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada sidii adeegga hufan loo gaarsiin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed
- d) Abuurista jawi iyo sharuuc dhiirrigelinaya in maalgashi lagu sameysto dalka
- e) Xoojinta xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub
- f) Xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, si loo fududeeyo isku-xirka hawlaha ganacsi ee dalka iyo dibedda.
Hadalsame Media