(London) 03 Maajo 2023 – Chelsea ayaa haatan guuldarraysatay lixdii kulan ee ugu dambaysey – dhammaan intii uu joogey Lampard – waxayna ku jirtaa kaalinta 12-aad ee kala sarraynta Premier League, iyadoo khatarta ugu jirta inay u dhacdo kaalinta 13-aad haddii ay guuldarro kasoo gaarto Bournemouth isbuuc dhamaadkan.
“Chelsea waxa ay ahayd koox guuleed muddo 20 sano ah laakiin hadda ma joogno booskaas,” ayuu yiri gooldhaliyaha ugu sarreeya Blues ee haatan layliya oo si cad ugu dhega hadlaya milkiilihiisa.
“Waqtigii aan halkan joogey way iska caddayd inaan taas ka arko daaha gadaashiisa, goobta tababarka, sababaha ay sidaa u ahayd.” ayuu raaciyey.
Sidoo kale, Ben Chilwell iyo Thiago Silva ayaa la arkayey iyaga oo si adag u wada hadlaya oo murmaya intii ay socotey qaybtii hore ee ciyaartii Chelsea ay kaabiyada horeba kala dirtay Arsenal.
Dhanka kale, taageerayaasha Chelsea ayaa sidoo kale xalay la arkayey iyagoo u yeeraya milkiiladoodii hore ee Roman Abramovich oo kooxda gaarsiiyey dhammaan guulaha waawayn ee ay ku naalloonayso.
Chelsea fans are now calling for their former owner 👀🔵 pic.twitter.com/f9yIEW0mva
— MailOnline Sport (@MailSport) May 2, 2023
Hadalsame Media