DF Somalia oo mar qura 100 ilaa 300% laalaabtay canshuurta laga qaado Dekedda Muqdisho & Howlihii oo durba istaagey (Arag amarka Was. Maaliyadda)

0

(Muqdisho) 03 Maajo 2023 – Waxaa la sheegayaa inuu gaabis ku yimid habsami socodkii howlaha Dekedda wayn ee Muqdisho kaddib markii lasoo rogey canshuur xad-dhaaf ah oo ay ganacsatadu ka biyo diideen.

Tusaale, halkii ay tarriifada soo dajintu ay markii hore ka ahayd $3,600.00 (SADDEX KUN IYO LIX BOQOL oo doollar) hadda qofka muwaadinka ah waxaa laga rabaa inuu dhiibo adduun lacageed oo gaaraya ku dhawaad $10,000 taas oo ah $9,800.00, taasoo ka dhigan in mar qura la seddax laabay.

Sidoo kale, halkii Canshuurta iibku ay markii hore ka ahayd $950.00 (SAGAAL BOQOL IYO KONTON) hadda waxaa laga dhigay $2.200.00 (LABO KUN IYO LABO BOQOL oo doollar)

Taas macnaheedu waxa weeye, halka markii hore aad ka bixin jirtay $4,550.00 ( AFAR KUN, SHAN BOQOL IYO KONTON hadda dowladdu waxay kaa qaadaysaa $12,000:00 (LABO IYO TOBAN KUN OO doollar).

Marka qiimaha gaariga Muqdisho kasoo daga laga qaadayo lacag gaaraysa 12,000.00 (LABO IYO TOBAN KUN) Dekedda Boosaaso, Garacad ama Hobyo waa $2,500:00 (Labo kun iyo shan boqol oo kali ah), taasoo keeni karta in ganacsatadu ay ka guurto Dekedda Xamar ama in uu dhaco sicir-barar aan caadi ahayn.

Waxaa la sheegayaa inay haatan inta badan istaagtey howshii dekeddu, islamarkaana uu soconayo wada xaajood u dhexeeya Rugta Ganacsiga & Hay’adaha DF ee ay arrintani kasoo fushey, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda oo u muuqata mid aan ka fikirin danta shacabka, iyadoo aysan dunida marna ka dhicin tillaabo noocan oo kale ah.

Waxaa intaa dheer, in DF Somalia aysan lacagahan wax adeeg ah ugu qaban shacabka sida inay ku bixiso dugsiyo, biyo, koronto, kab dhaqaale IWM, oo ay waxan oo dhami galaan jeebka DF Somalia. Halkan kasii aqri…  

Hadalsame Media