XOG: Somaliland oo diiddan inay aqbasho diyaarad sidda dad ay DF Somalia kasoo daadguraysay dalka Sudan

0

(Addis Ababa) 02 Maajo 2023 – DF Somalia ayaa bilowday inay soo daadgurayso muwaadiniinta Somalia ee uu dagaalku ku qabsaday dalka Suudaan.

Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa haatan ku xayiran magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo ay cabaar-fur ku joogeen.

Waxaa dadka halkaa ku xaniban oo boqol qof ahi ay yihiin dad u gudbi lahaa Hargaysa, Burco iyo Boorama IWM oo ka tirsan Maamulka Somaliland.

Safaarada Dawladda Federalka Soomaaliya ee Addis Ababa ayaa dadka soo daabushay, waxaana ilaa iminka duulay laba diyaaradood oo dadkii u qaaday Muqdisho, halka diyaaraddii Hargaysa aadi lahayd ay xaniban tahay.

Waxaa ay wararku sheegayaan in diyaaraddii Hargaysa dadka u qaadi lahayd ay u xaniban tahay Madaxda sare ee Maamulka Somaliland oo ka biyo diidsan in Safaarada Soomaaliya ay dadkan caawiso, sida ay xogtu sheegayso.

Hadalsame Media