”Waa in dib loo habeeyaa!” – Shiinaha & Ruushka oo wada qorshe ay Afrika kursi rigli ah ugu yeelanayso Golaha Ammaanka QM

0

(Muqdisho) 02 Maajo 2023 – Diblomaasiga ugu sarreeya Shiinaha ayaa ku baaqay in dalalka soo koraya ay door ka badan ku yeeshaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Hadalka Wang Yi ayaa yimid toddobaad uun kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka ee Sergey Lavrov uu soo jeediyey talo tiisan la mid ah, isagoo sheegay in quwadaha reer Galbeedka ay ku badan yihiin hay’addan caalamiga ah ee muhiimka ah.

Intii lagu guda jirey kulan uu Sabtidii la yeeshay safiirrada Kuwait iyo Austria u fadhiya Qaramada Midoobey, Tareq Albanai iyo Alexander Marschik, Wang wuxuu yiri: “Dib u habaynta Golaha Ammaanku waa inay ilaalisaa cadaaladda iyo sinnaanta, kordhinta matalaadda iyo codka wadamada soo koraya, taasoo u ogolaanaysa dalalka yaryar iyo wadamada heer dhexaadka ah inay helaan fursado badan oo ay kaga qaybqaataan go’aannada uu qaadanayo Golaha Ammaanku.”

Sarkaalka, oo mas’uul ka ah arrimaha dibedda ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Shuuciga Shiinaha, ayaa intaa ku daray in “cadaalad-darrada taariikhiga ah ee ka dhanka ah Afrika” ay tahay in la saxo.

Diblomaasigan Shiinaha u dhashay ayaa hadalkiisan jeediyey kahor wadahadallada dib u habaynta Golaha Ammaanka, iyadoo Kuwait iyo Vienna ay garwadeen ka yihiin wadahadalladaasi.

Wang wuxuu rajo ka muujiyey in heshiis la gaari doono “si habka dib u habaynta Golaha Ammaanku uu u noqdo mid si ballaaran loo aqoonsan karo… natiijaduna waxay noqon doontaa imtixaan taariikhi ah”, sida uu qabo.

Xilli uu ku guda jirey socdaal uu Afrika ku tegey bishii Janaayo, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Shiinaha Qin Gang ayaa wuxuu caddeeyay in Beijing ay jeclaan lahayd inay la kordhiyo matalaadda waddamada soo koraya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey si looga dhigo “nidaamka maamulka caalamiga ah mid cadaalad iyo sinaan leh.”

Hadalsame Media