UGANDA: Nin ilaalo ah oo wasiir uu ilaalinayey toogtey (Daawo arrin uu sameeyey kahor intaanu is tooganin)

0

(Kyanja) 02 Maajo 2023 – Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo Xiriirka Wershadaha, Kornayl (howlgab) Charles Okello Engola ayaa toogasho lagu diley.

Kornayl Engola ayaa subaxnimadii Talaadadan uu nin ilaaladiisa ihi toogasho ku diley isagoo jooga gurigiisa oo ku yaalla magaalada Kyanja ee duleedka Kampala.

Ku xigeenka Afhayeenka Booliiska magaalada Kampala, Luke Owoyesigire ayaa bilowgii xaqiijiyey dhacdadan.

“Haa. Taga Kyanja, rasaas ayaa ka dhacaysa. Askari ayaa toogtey madaxiisii.” ayuu Owoyesigire u sheegay warfidiyeenka waraysi kooban oo dhanka taleefoonka ah.

Lama oga waxa labada nin dhexmaray balse sida aad muuqaalka hoose uga jeeddaan wuxuu ninkani rasaas u sayrayey cirka kahor inta aanu is toogan.

Hadalsame Media