MW William Ruto oo Afrika ku canaantay inay taageeri la’dahay ”dalka saboolka ah ee Somalia”

0

(Nairobi) 02 Maajo 2023 – MW Kenya ee William Ruto ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Midowga Afrika aanu weli xamili karin la tacaalidda arrimaha Afrika kaddib muddo ka badan 60 sano oo uu soo jirey.

MW Ruto, oo xilka madaxtinnimada  wareegga ah ee ururka qabtay Sebtembar 2022-kii, ayaa ka xumaaday in Midowga Afrika uusan awoodin ururinta lacag dhan 85 milyan oo doollar oo loo adeegsan lahaa dib u dhiska Soomaaliya, isagoo tibaaxay in dalalka saboolka ah sida Soomaaliya ay sugaan kaalmo ay ka helaan ururro kale sida Midowga Yurub.

“Waxaan si dhab ah ugu baahan nahay su’aalo waydiinta maamulka AU. Maanta xitaa ma taageeri karno Soomaaliya. Waxaan sugaynaa in Midowga Yurub ay na siiyaan $85m oo doollar. Waa waalli. Ma waxaad ii sheegaysaa 54 dal oo Afrikaan ah, 60 sano kaddib xornimadooda, ma heli karaan $85M oo lagu taageero Soomaaliya?” ayuu is waydiiyey Ruto.

Waxaa kale oo uu MW William Ruto uu ku baaqay in isbedel muuqda lagu sameeyo qaab dhismeedka ururkan fadhiidka ah ee Midowga Afrika si ay si madaxbannaan ula tacaalaan caqabadaha horyaalla qaarada faceed ka hartay ee Afrika, isagoo tusmeeyey in DF Somalia ay “ku tiirsan tahay maalgelin shisheeye, deeqaha iyo daymaha ay ka helaan dalalka horumaray”, halkii ay kaalmo ka heli lahayd AU.

Hoggaamiyeyaasha gobolka ayaa horraantii todobaadkan ku kulmay Kampala, halkaas oo ay ku adkeeyeen baahida loo qabo in Guddiga Midowga Afrika uu ka fiirsado ka faa’iidAysiga sanduuqa nabadda ee Midowga Afrika, si uu iskuu u taageero amniga Soomaaliya mustaqbalka fog xitaa haddii ay EU joojiyaan taageerada dhaqaale ee ay ku bixiyaan Howlgalka Midowga Afrika.

Hadalsame Media