(Hadalsame) 02 Maajo 2023 – Xukuumadda Dimishiq waa inay dib u soo celiso sharcigii iyo kala dambayntii dalka Suuriya oo dhan, taas oo soo afjaraysa joogitaanka kooxaha hubaysan ee shisheeye iyo argagixisada, sida ay qabaan wasiiradda arrimaha dibedda ee Suuriya, Sucuudi Carabiya, Urdun, Masar iyo Ciraaq oo hadlay Isniintii kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Cammaan.
Jordan ayaa marti gelisey kulankan, oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah tan iyo markii la joojiyey xubinimada Suuriya ee Ururka Jaamacadda Carabta 2011-kii. Kahor kulanka dhinacyada badan leh, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Suuriya, Faysal Mekdad, ayaa la kulmay dhiggiisa Jordan, Ayman Safadi, kaasoo ay ka wada hadleen arrimaha qaxootiga, amniga xuduudaha iyo “arrimaha biyaha,” sida ay sheegtay Cammaan.
War qoraal ah oo ay si wadajir ah ugu qaybiyeen wakaaladaha wararka dowladahan, shanta wasiir ayaa ku baaqay “in la joojiyo joogitaanka ururrada argagixisada ah” iyo sidoo kale “kooxaha hubaysan” ee ku sugan gudaha dhulka Suuriya, iyo “in la baabi’iyo awoodda ay u leeyihiin inay halis geliyaan ammaanka gobolka iyo kan caalamiga ah.” Waxay sidoo kale ballanqaadeen inay “taageerayaan Suuriya iyo hay’adaheeda si ay u hanato xukunka dhammaan dhulkeeda oo ay kusoo rogto sharci iyo kala dambayn.”
Sacuudi Carabiya, Masar, Jordan iyo Ciraaq ayaa ballanqaaday inay xiriir la samayn doonaan millateriga Suuriya iyo hay’adaha amniga si “wax looga qabto caqabadaha amniga.”
Shanta wasiir ayaa sidoo kale ku baaqay in la joojiyo “faragelinta shisheeye ee arrimaha gudaha ee Suuriya.” Baaqooda wadajirka ah ayaa sidoo kale ku wajahan in la sameeyo kooxo farsamo oo khubaro ah oo daba-gal ku sameeya shir-madaxeedkan islamarkaana fulin doona tillaabooyin wax ku ool ah oo lagu xallinayo colaadda Suuriya.
Kulanka Cammaan ayaa imanaya todobaadyo uun kaddib markii Mekdad uu booqday Sucuudiga oo uu ka helay taageerada boqortooyada ee madaxbannaanida dhuleed ee Suuriya.
Haatan, dagaalyahanno uu Turkigu taageero ayaa ka taliya qaybo ka mid ah woqooyiga Suuriya, halka woqooyi bari ay gacanta ku hayaan malleeshiyaadka Kurdiyiinta ee uu Maraykanku taageero. Dhowr boqol oo askari oo Maraykan ah ayaa iyana sidoo kale ku sugan Suuriya, kuwaas oo gacanta ku haya inta badan ceelasha saliidda ee dalkaasi oo la sheegay inay iska dhaansadaan.
Malleeshiyaada taageero ka helaya Sucuudiga iyo Maraykanka ayaa bilaabay kacdoon ka dhan ah Madaxwaynaha Suuriya ee Bashaar Al-asad sannadkii 2011-kii, balse iyada oo gacan ka helaysa Ruushka iyo Iran, xukuumadda Dimishiq waxay aakhirkii ka guulaysatey fallaagadaa ururiska ahayd, oo ay ku jiraan argagixisada xiriirka la leh Al-Qaacida iyo qolo isku magacowday Dawladda Islaamka (Daacish) taasoo hore u ahaan jirtey ISIS).
Inkastoo dalalka deriska la ah Suuriya iyo awoodaha gobolku ay u dhaqaaqeen dib hagaajinta xiriirka Dimishiq bilihii la soo dhaafay, Maraykanku ma beddelin siyaasadiisii ku dhisnayd “in la beddelo maamulka Bashaar”, balse warkan kasoo baxay dalalkan Carbeed ayaa loo badinayaa in uu lid ku yahay qorshaha Maraykanka.
Hadalsame Media