(Riyaad) 01 Maajo 2023 – Laacibka reer Portugal ayaa go’aansaday inuu isaga tago Sucuudiga, sababo la xiriira la qabsiga dhaqanka Carabiga ah, iyo caqabad xagga luqadda ah oo qabsaday, sida uu qoray wargayska Digital-ka ah ee Catalan oo uu soo xiganayey Portugalnews.
Ronaldo ayaa ku laabanaya Spain oo uu ku noolaa intii u dhaxaysey 2009 ilaa 2018, iyadoo Florentino Perez, Madaxwaynaha Real Madrid uu sheegay in Cristiano Ronaldo laga yaabo inuu u hayo shaqo hubaal ah, laakiin uusan u adeegsan doonon ciyaaryahan kubada cagta ah ahaan, sida ay sheegtay El Nacional.
Taageerayaasha Ronaldo ayaa durba bilaabay inay ka fal-celiyaan hadalkan iyadoo ay qaarkood ku doodayaan inaysan markii hore sax ahayn inuu Ronie ka ciyaaro dalka Sucuudiga oo ay ku sheegeen mid dhaqan ahaan aad uga fog waxa uu Ronaldo doonayo.
”Khamri lama ogola, jirka lama qaawin karo, shuruuc adag ayaa jirta, ma jirto xoriyatul qowl, tilmaam kasta waxay qof kasta gelin kartaa xabsiga. Ma aha waxa Ronald uu jecel yahay. Waana SAUDI ARABIA.” ayuu yiri mid Tony la yiraahdo.
Hadalsame Media