(Ankara) 01 Maajo 2023 – Ciidamada Sirdoonka Turkiga ayaa dilay hoggaamiyaha kooxda ISIL (ISIS), Abu al-Hussein al-Hussein al-Qurashi, sida uu ku dhawaaqay Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan.
Erdogan ayaa sheegay in Sirdoonka Turkigu ay muddo dheer isha ku hayeen hoggaamiyaha kooxdan mayalka adag ee argagixisada ah kahor inta aysan bilaabin howlgalkooda.
“Shakhsigan waxaa lagu diley howlgal ay shalay sirdoonka qaranka Turkigu ka fuliyeen dalka Suuriya.” ayuu Erdogan ku yiri waraysi uu siiyey Telefishinka TRT ee Turkiga Axaddii.
Ilo degaanka ah iyo kuwa ammaanka Suuriya ayaa iyana sheegay in weerarka uu ka dhacay meel u dhow magaalada Jinderes ee woqooyiga Suuriya, halkaasoo ay maamulaan kooxaha fallaagada ah ee uu Turkigu taageero.
Wararka qaar ayaa sheegaya inuu ninkani is qarxiyey markii la hareereeyey.
According to field sources in Jinderes, the clashes that broke out in the town last night took place during the arrest of a senior ISIS leader. The suspected ISIS leader blew himself up at the end of the clash. pic.twitter.com/XaDrxbZUG4
— Levent Kemal (@leventkemaI) April 29, 2023
Hadalsame Media