Maxay Somalia samaynaysaa haddii ay Itoobiya & Masar dagaallamaan? MW Xasan Sh. ayaa ka jawaabaya (Daawo)

0

(Muqdisho) 01 Maajo 2023 – MW Xasan Sheekh Maxamuud oo qabtay kulan dadwayne oo su’aalo lagu waydiinayey ayaa sheegay in Somalia aysan u baahnayn inay yeelato dalal cadow ah iyo xitaa inay la kala safato haddii ay is qabtaan dalalka ay saaxiibka la tahay.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Masar, Imaaraadka, Qadar, Itoobiya IWM aysan ka dowlad ahaan u tixgelinaynin cadow, haddii ay iyagu is dagaalaan oo tusaale ahaan ay Itoobiya iyo Masar isku dagaalaan biyaha Niilka ay Somalia dhexdhexaad ka noqonayso.

Wuxuu sheegay in uu xiriir wanaagsani kala dhexeeyo dalka Masar oo dhinacyo badan oo ammaanka iyo waxbarashada ahba ka taageerta Somalia, sidoo kale wuxuu sheegay in Itoobiya ay Somalia siiso kaalmo millateri oo ay ciidankeedu dalka joogaan.

”Annagu cadow ma lihin haddii berri ay cidi nala collaytantana iyada ayaa na collaysatay e annagu cidna col lama nihin.” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Hadalsame Media