Macallinka Man United oo soo qaaday maro lagu dhaliilayo milkiilayaasha kooxdiisa & Fal-celin yaab leh (Daawo)

0

(Manchester) 01 Maajo 2023 – Taageerayaasha Manchester United ayaa u riyaaqay macallin Erik ten Hag kaddib markii uu tababaruhu soo qaatay masar cagaar iyo dahabi ah oo lagu xardhay ‘Glazers out’ si uu dib ugu dhex tuuro jamaahiirta kooxda.

Tani waxay timid kaddib guushii 1-0 ay kaga gaareen Aston Villa, halkaas uu goolkii Bruno Fernandes uu u horseeday kooxda dhiirigelin wayn oo ay ku raadinayaan boosaska Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Inkastoo Ten Hag uusan ka warqabin waxa ku qornaa marada, misna waxaa ku farxay taageerayaasha kooxdiisa kaddib markii lasoo duubay isagoo ku tuuraya maro cagaar iyo dahabi ah qaybta taageerayaasha ee Stretford End.

Macallinka reer Holland ayaa kasoo baxay dusmada garoonka kahor inta uusan arkin maro agtiisa taal, taas oo uu soo qaaday oo uu dib ugu dhex tuuray taageerayaashii xilli ay farxad la orrinayeen.

Kaddib markii uu dhacay filashada Jimcihii oo la doonayey inay dhamaato tartanka dadka xiisaynaya iibka kooxda Old Trafford, taageerayaasha United ayaa aad u carooday iyagoo mar labaad ka mudaaharaadaya qoyska reer Glazer.

Hadalsame Media