(Hadalsame) 30 Abriil 2023 – Marnaba guuldarro wax lagu faano maahan, mana ahan waxa ay wiilasheennu garoonka u galeen, balse waxey soo bandhigeen ciyaar aan caadi ahayn.
Kaliya waxaan dhihi karaa fursadahoodii ayay iska khasaariyeen, waxayna la ciyaareen xul diyaarsan oo ciidooda jooga.
Ciyaartii xalay dhacday waxaa iiga baxay in Macalin Nuur Amiin uu qaybtii hore boosas khaldan geeyey Cabdi Casiis Baxuur & Juuma, taasi caqabad yar ayay keentay, walow markii dambe la saxay.
Khadka dhexe ee xulku wuxuu ahaa daciif gabi ahaanba, waayo ma jirin horay u socod, taasna waxey ku timid qaab ciyaareedka (4-4-2), si kastaba se, waxaan aragnay koox macquul ah, tartami karta, islamarkaana dagaallami karta.
Ciyaarta waxaa kaalin aan caadi ahayn qaatay oo aan dhihi karaa doorkoodu ma qarsoomin,Cabdi Casiis Baxuur, Cabdulqaadir Marshaale & Juuma (Lambarka 4-aad).
Waxaa weli maskaxdayda ka bixi la’ fursadahii aan luminnay ee weliba goolasha u qalmay.
Waa xul bilow ah, tartanka ku cusub, una baxay koox diyaarsan, gurigeedana joogta, taageerayaasheedana ay dhinac joogaan. Kaliya waxaan dhihi karaa waa koox geesiyaal ah.
Waa koox aan ku faani karno, dhihi karno wey na mataleen, weliba sida ugu macquulsan.
Kulanka xiga (Talaado) waxaan u baxaynaa dalka Congo ee dhaca bartamaha Afrika.
W; D: Cabdirashiid M. Nuur
Hadalsame Media