(Muqdisho) 30 Abriil 2023 – Waxaa magaalada Muqdisho ka taagan dhibaato aysan xitaa qabi jirin berigii ay bilaa nidaamka ahayd waana inay magaaladu webiyo yar yar isu bedesho markii uu roob yari yimaado, taasoo ay ugu wacan tahay shabakadihii bulaacadaha oo la kansalay, iskood u xirmey amaba laamiyo la dul saaray.
Idriis Campione oo dhowaan kasoo laabtay Muqdisho ayaa qoraalkan ka sameeyey sida uu u arko halka ay sartu ka qurunsan tahay & sababta aan arrintan xal loogu samayn:
”Qiyaas oo xil baa laguu magacaabay adiga oo Belgium daggan. Waad baxday oo qoladii aad ka dhalatay baa kugu soo dhowayday Nairobi. Todobaad kadib waxa laguu sheegay in lagaaray waqtigii xil wareejinta oo aad tagto Muqdisho.
”Barqadii xigtayna gaari aan xabbaddu karin iyo 7 nin oo indho cascas baa laguugu wareejiyey. 3 todobaad kadib ayaad Istanbul u soo guurtay oo mar dhif ah oo Nairobi shir aad u tagto marka laga reebo, Soomaaliya waqti kaagama lumo.
”Mushaharaadkii baas ee hay’adaha caalamiga ah bixinayeenna adiga oo laguu masaajaynayo ayuu kuu soo dhacaa. Balwaddii dumarka ee aad waligaaba ku falnayd oo iminka aad fursad iyo dhaqaale u heshay baad si aan xad lahayn u dhex gashay oo fitamiinadii kaaaga idlaadeen.
”Adiga oo hoteelkii aad daganayd ku dhex fuuqaya koob Cappuccino ah baad Facebook ku dhex aragtay miskiin tawaawacaya oo ka sheekaynaya in loo baahan yahay bullaacado badda ku dara biyaha.
”Markaas ayaad xusuusatay in aad ku magacaaban tahay “Bilic soo celinta Gobalka Banaadir” intaad sidii jilaa u dhoola caddaysay oo kursiga isku tiirisay oo lugaha is dul saaratay oo sida ruux deg degsan saacadaada eegtay oo markale cappuccino ku hor yaallay fiiqsatay adiga oo niyadda iska leh; tolow bullaacada uu ka sheekeynayaa ma saddex dhalkii aad xalay dhex dabaalatay baa? Yaad iska dhaqaaqday oo qolkaagii sinadu ka uraysay albaabkiisa furtay.” ayuu kusoo afjaray.
W; Q: Idriis Campione
Hadalsame Media