Bankiga Adduunka oo saadaal ka bixiyey boqollayda koritaanka dhaqaalaha Somalia & Arrin halis ku ah dhaqaalaha oo jirta

0

(Muqdisho) 30 Abriil 2023 – Bankiga Adduunka ayaa saadaalin fiican ka bixiyey dhaqaalaha dalka Somalia oo uu sheegay inuu soo kabanayo tiiyoo ay abaaro is xigey jugo gaarsiiyeen.

”Dhaqaalaha ayaa la saadaalinayaa inuu kobco 2.8 boqolkiiba sanadkan 2023-ka, iyadoo xaaladaha dhaqaale la filayo inay soo hagaagaan kaddib abaaro daba dheeraaday iyo sare u kaca qiimaha badeecadaha oo dhan sanadkii 2022-kii,” ayaa lagu yiri qoraalka Bankiga Adduunka.

”Saadaasha faqriga ee 2023-ku waa 73 boqolkiiba.” ayaa la raaciyey, taasoo muujinaysa inay Somalia ka mid tahay dalalka ugu farqisan dunida.

Arrintan ayaa sidoo kale muujinaysa farqiga sii ballaaranaya ee u dhexeeya dabaqadda dhexe ee yara ladan oo aad u yar iyo dabaqadda hoose ee faqriga ah, iyadoo ay Somalia ay u baahan tahay in farqigaa lasoo dhimo sida ugu dhaqsaha badan, waayo mar kasta oo uu kordho farqigani waxay caqabad ku noqon kartaa baraare guud oo la gaaro iyo kobac dhaqaale oo micne leh oo dhaca.

Hadalsame Media