Wasiirka Caafimaadka DF Somalia oo Hindiya ugu faanay fashilka caafimaadka dalkiisa (Muxuu sheegay?)

0

(New Delhi) 29 Abriil 2023 – Wasiirka Caafimaadka DF Soomaaliya ayaa isla soo taagey arrin uu faan ka dhigayo, balse muujinayso fashilka howshii isaga loo igmaday.

Wasiir Cali Xaaji Aadan oo haatan ku sugan dalka India ayaa ku faaney in Soomaalidu ay lacag adag oo 100 milyan oo doollar ah geliso dalka India.

Dadkaa ayaa India ku taga waxa loo yaqaan “dalxiis caafimaad” iyaga oo u raadsada adeegyo caafimaad oo tayo leh oo ay dalkooda ka waayeen, tallabadaasi oo uu ku tilmaamay mid muujinaysa xiriir wanaagsan oo ka dhexeeya labada dal.

Yeelkeede, India Safaarad rasmi ah oo shaqaysa weli kuma laha dalka, dadka Soomaaliyeedna waxa ay dal-ku-galka dalkaasi u raadsadaan dalalka deriska ah ee kenya & Itoobiya, taasoo ay kaga baxdo lacag badan.

Sidoo kale, ma jiro heshiis ganacsi oo ay Somalia kula jirto India oo sidoo kale ka mid ah dalalka xaalufiya xeebaha dalkeenna ee sida sharci darrada ah uga jillaabta.

Hadalsame Media